Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo talaabo ka qaadeysay dadkii fududeeyay in Maxaabiis ka baxsadaan Xabsiga Dhaxe

Waxaa dhawaan xabsiga Dhaxe ee Xamar ka baxsaday sadex maxbuus oo sanado badan ku xukunaa, waxaana wararku sheegayaan in Maxaabiista baxsatay ay ahaayeen xubno katirsanaa ururka Al Shabaab.

Wasiirka cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in meel wanaagsan marayaan baaritaanka lagu ogaanayo dadkii fududeeyay iyo sida ay u dhacday in ay baxsaan maxaabiis ku xiran xabsiga Dhaxe.

Waxa uu sheegay Wasiirka  in wixii ka dhacay Xabsiga  ay aheyd arin halis ah, waxa uuna cadeeyay in lala xisaabtami doono talaabo adagna laga qaadi doono dadkii fududeeyay in maaxabiista baxsdaan.

Xabsiga Dhaxe ee Xamar ay ku xiran yihiin maxaabiis dambiyo kala duwan gashay ayaa ah goob amaankeeda si weyn loo ilaaliyo, waxaana la isweediinayaa sida ay ku fududaatay in xabsiga ka baxsadaan Maxaabiis dambiyo culus ku eedeesnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Sudan oo sii xumaatay iyo Safiirkii Sudan u joogay Itoobiya oo…

Cabdi Cade

Abaabulka banaanbaxyo iska horjeeda oo ka socda Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

C/wali Gaas oo kala diray Maamulkii Boosaaso, Maamul KMG ahna magacaabay (Akhriso Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---