Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo tababaray ka hortagga qaraxyada

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa tababar ku saabsan ka hortaga qaraxyada loogu soo gabagabeeyay Magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Tababarkan ayaa loo qabtay in ka badan 30 askari oo ka tirsan Ururka saddexaad oo ka tirsan guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka oo ka howlgala Magaalada Buula burde, waxana tababarkan bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Taliyaha Ciidamada Ururka saddexaad Col. Cabdullahi Barre  ayaa sheegay in waxyaabaha ay barteen ciidamada ay ugu adeegi doonaan shacabka si looga hortago weerarada & qaraxyada ee ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa uu mahad celiyay Saraakiisha ciidamada AMISOM ee tababarkan bixinayay isagoo sheegay inuu wax badan ka  ka badali doono  khatarta ay kala kulmaan ciidamada iyo shacabka qaraxyada ay dhigaan  Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay ninkii Soomaaliga ahaa ee Weerarka ka geestay Jarmalka

Cabdi Cade

Musharaxa Villa Soomaaliya Wadato oo ka hadlay Go’aankii Odayaasha SSC Khaatumo

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dibad-baxyadii rabshadaha watay ee Garowe & Warar kale oo xiiso leh

admin
Taboola Ads ---