Gudaha Kaniisad kutaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaa ka dhacay dil dad badan oo Kenyan ah ka argagaxeen kadib markii Baadarigii heestay kaniisadaas uu ku dhax dilay xaaskiisa kadibna isaga is dilay.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in baadariga uu lasoo baxay toorey kuna dhuftay xaaskiisa oo xiligaasi taagneyd minbarka kaniisada, baadariga ayaana markaa kadib tooreyda kasoo bixiyay xaaskiisa kadibna caloosha iska galiyay.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in baadariga isla goobta ku geeriyooday, waxaana xaaskiisa oo la dhigay isbitaal markii dambe iyana u geeriyootay dhaawacii uu gaarsiiyeen ninkeeda.
Lamaanahan geeriyooday ayaa la sheegay in iyagu dhiseen kaniisada, walina lama oga sababta uu baadarigan u dilay xaaskiisa kadibna isku dilay, waxaana dhacdadan noqotay mid dad badan oo Kenyan ah hadal hayaan kana argagaxeen.
