Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al Shabaab oo Weerar kale ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Milatariga Kenya

Wararka aan ka heleyno gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab xalay saqdii dhaxe weerar culus ku qaadeen xero milatariga Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen jugta hubka culus ee is dhaafsanayeen dagaalyahanada weerarka soo qaaday iyo ciidamada Kenya, weerarka ayeyna sheegeen in uu socday daqiiqado badan.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xerada Milatariga Kenya ka joogaan deegaanka Kulbiyoow ayaa ku bilowday weerar madaafiic ah waxaana xigay weerar toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen xerada.

Lama oga ilaa hada khasaaraha soo kala gaaray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Kenya , waxaana adag in si madax banaan loo ogaado khasaaraha kala duwan ee labada dhinac kala gaaray.

Weerarkan ayaa imaanaya saacado yar kadib markii Al Shabaab weerar xoogan ku qaaday xero milatari oo kutaala gobolka Lamu ee dalka Kenya, waxaana weerarkaasi uu khasaaro kasoo gaaray ciidamo Mareykan iyo kuwa Kenyan ah oo joogay xerada la weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Shacabka oo la hordhigay Hindisaha-sharci ee dad-dhigidda iyo tira-koobka xaalada Madaniga

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxweyne Biixi oo xilka ka qaaday masuuliyiin kala duwan, kuwo kalena magacaabay

Caydiid Ali

(Sawirro) Trump oo mar kale loo dhaariyey Madaxweynaha USA

Caydiid Ali
Taboola Ads ---