Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus u jeediyay dowlada Ciraaq shuruudna ku xiray ka bixitaanka …

Dowlada Mareykanka ayaa ka carootay qaraarkii ay shalay ansixiyeen Baarlamaanka dalka Ciraaq oo lagu farayay ciidamada Shisheeye ay ku jiraan kuwa Mareykanka ee jooga gudaha dalkaasi in ay isaga baxaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump , ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn adag kusoo rogi doono dowlada Ciraaq hadii la dhaqan galiyo qaraarkii ay shalay meel mariyeen Baarlamaanka Ciraaq.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Mareykanka in saldhiga ciidamada cirka ee Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq dhismihiisa ku baxday lacag gaareysa balaayiin Dollar .

Madaxweyne Trump ayaa shuruud uga dhigay dowlada Ciraaq in marka hore bixiso lacagta balaayiinta dollar ee Mareykanka uga baxday dhismaha saldhigaasi milatari ee ku leeyihiin gudaha dalka Ciraaq.

Qaraarka Baarlamaanka Ciraaq ansixiyeen ee ciidamada Mareykanka iyo kuwa shisheeye looga saarayo dalkaasi ayaa jawaab u ah dilkii Mareykanka u geesteen Hogaamiyihii ciidamada Kacaanka ee Qudus ee lagu dilay magaalada Bagdaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoobiyaal saakay lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlad goboleedka Puntland oo soo saaray amar ka dhan ah Somaliland

Caydiid Ali

Dayuurad laga leeyahay Turkiga oo burburtay & dhamaan dadkii la socday oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---