Madaxweyanaha dowla-goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta lagu soo dhaweyay Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan.
Socdaalka Madaxweyne Waare ayaa ujeedkiisu yahay inuu xaliyo tabasho dhinaca Odayaasha Deegaanka ah oo ka jirta magaalada taasoo ku aadan dhinaca Maamulka.
Waare waxaa socdaalka ku wehliyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka mid Dowlad goboleedka Hishabelle waxaana uu kulamo la qaadanayaa qeybaha bulshada magaalada.
Socdaalka Madaxweyanaha dowla-goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu ku tagay magaalada Buulo-Burde ayaa ku soo aadaya xili xildhibaanada baarlamanka maamulkiisa ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo isaga, iyagoo ku eedeynaya waxqabad la’aan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com