Allbanaadir.com
NEWS

Cumar Filish oo qorsheenaya in la xiro Suuqa Xoolaha Degmada Dayniile iyo Suuqyo kale (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay Suuqa xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax oo kuyaala degmada Hiliwaa.

Suuqa Dayax oo horey loogu iibin jiray xoolaha ayaa ayaa mudooyinkii si iskiis ah u xirmay, waxaana Suuqa ugu weyn ee hada xoolaha gaar ahaan ariga lagu iibiyo uu noqday Suuq kuyaala xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile.

Ganacsatada Suuqa Dayax ayaa ka codsaday maamulka gobolka Banaadir in dib u dhis lagu sameeyo suuqa Dayax si uu u noqdo Suuqa kaliya ee lagu iibiyo xoolaha, waxaana qorshahaasi la dhacay soona dhaweeyay Gudoomiye Cumar Finish.

Duqa Muqdisho ayaa u sheegay ganacsatada Suuqa Dayax in marka dib loo hagaajiyo suuqan maamulkiisa soo xiri doono suuqyada kale ee kuyaala magaalada Muqdisho si suuqaan u helo dhaqaale badan.

Cumar Filish ayaa xusay in xoolaha lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee magaalada ay caqabad kuyihiin bilicda Caasimadda iyo isku socod keeda sidaas darteedna marka la hirgaliyo Suuqa Dayax kadib waxa uu maamulkiisa mammuuci doonaa in meel aheyn Suuqa Dayax lagu iibiyo xoolaha.

Lama oga sida uu u hirgali doono qorshaha Duqa magaalada Muqdisho ku doonayo in Suuqyada kuyaala Muqdisho gaar ahaan kan Dayniile oo hada ah kan ugu weyn inta xiro mid kale oo magaalada ka fog ku qasbo ganacsatada in xoolaha ku iibiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xanuun cusub oo lagu arkay dalka Uganda iyo dadkii uu ku dhacay oo geeriyooday

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo gudoomiyay Shir Xasaasi ah oo ka dhacay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Khubaro Ka Digtay In Maalin Walbo La Qubeysto iyo cudurada ka dhalan kara oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---