Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhawaan sheegay in Wasaarada arimaha gudaha kala laabtay Wakaaladii Doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay Guddi cusub oo qaban qaabiya Doorashada Galmudug.
Xaaf oo mudooyinkii dambe aamusnaa una muuqday mid ku qanacsan sida ay dowlada federaalka wax u waday ayaa markan lasoo baxay waji cusub, waxa uuna abuuray khilaaf cusub oo ku aadan arimaha Galmudug.
Magacaabista guddiga doorasho Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug ayaa noqoneysaa xiisad kale oo kasoo korortay Galmudug, hasa ahaatee dadka siyaasada falan qeeya ayaa rumeesan in Xaaf uusan xiligan talo heyn waxna soo kordhin karin.
Halkan ka Akhriso Guddiga Doorasho uu Xaaf Magacaabay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com