Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso Shan Qodob oo Laamaha Amniga ku kasban karaan Kalsoonida Shacabka Muqdisho

Waxaa xaqiiqo ah in u jiro mugdi iyo kala shaki u dhaxeeya laamaha amniga iyo shacabka Muqdisho ilaa heer dadka qaar gaarsiiyaan ineey jirto kalsooni daro baahsan. Ciidanka oo dhan, si gaara Laamaha amniga waxeey u dhisan yihiin in ay sharciga iyo kala danbeynta dalka ilaaliyaan, ka hor tagaan bur’cada iyo wax waliba oo sharafta iyo amniga shacabka wax u dhimaya. Askarigu waa muunada 1aad ee dowladnimada ama waxaa loo yaqaan ‘First response/ First Contact’ marka xaalad amni ama dhacdo u baahan faragalinta sharcigu timaado.

Askariga iyo sarkaalka nidaamka ilaalinayaa waa inuu yahay shaqsi akhlaaq, diin iyo amaano u saaxiib ah, waa inuu maraa baaritaan dheer oo dhinac kastaa ka hor intaanu hay’adaha amniga kusoo biirin. Madaxweynihii hore ee Mareykan-ka Calvin Coolidge ayaa laga hayaa inuu yiri “Qorashada iyo ka mid noqoshada Ciidanka qasab maaha, lkn hadaad doorato inaad askari noqoto, waxaa waajib kugu ah inaad ilaaliso shuruucda iyo dhaqanka wanaagsan ee askarinimada”. Askarigu wuxuu bixiyaa waxa ugu qaalisan ee qof bixiyo oo ah ‘Naftiisa’ wuxuu soo jeeda iyadoo dadku seexday, waxaa ku dhaca qaboowga habeenkii iyo cad’ceeda qoraxda. Isagoo intaa oo khatar iyo rafaad ah og ayuu ku dhiiraday inuu askari noqdo. Kasokow mushaarka la siiyo, aduunka marka qof askari qoronayo wuxuu u gala inuu dalkiisa iyo dadkiisa dhibta ka ilaalsho, waana waxa looga baahan yahay askarteena. Bal kawaran askarigii la rabay inuu umada gaashan u noqdo hadii bulshadiiba ay shaki ka qabto ama aysan ku kalsooneyn? Askarteenu ciidanka ma ineey ka shaqeeystan ayaay usoo galaan mise waa wadaniyiin iyo geesiyaal raba ineey naftooda dalka iyo dadka u huraan? Jawaabta adigaan kuu dhaafayaa!.

Hadaba ma jirtaa kalsooni daro ama wada shaqeeyn la’aan u dhaxeysa bulshada caasimada Muqdishu iyo laamaha amniga? Maxaa keenay wada shaqeyn la’aanta iyo kala shakiga? Jawaabta su’aalahan waxeey u baahan tahay inaan marka hore ogaano waxyaalaha asaaska u ah xiriir wanaagsan oo dhex mara shacabka iyo laamaha amniga dal waliba. Waxaa jira 5-qodob oo lagama maar’maan u ah kalsooni wanaagsan oo dhexmarta hay’adaha amniga si khaasa booliiska dal kasta, waxeey kala yihiin;

1. HOWL GALKA BOOLIIS-KA INUU SHARCI YAHAY: Shaqada Booliiska waa in tahay loo qaaten, Maan gal ah, waafaqsan shuruucda iyo nidaamka howl galinta laamaha amniga. Askarigu ciduu doono ma xiri karo, hantida shacabka isma qaadan karo, howl gal aan sharci aheyn ma sameen karo. Talaaba waliba oo askarigu qaadaya waa ineey sharci tahay lana sababeen karo.

2. IN SI DEGAN QOFKA LOO ABAARO: Marka askarigu kusoo baxo dhacdo u baahan fara galintiisa, waa inuu si degan oon qofka cabsi galineen ula macaamila. Taa macnaheedu maaha in askarigu iskala dhigto, Xili waliba si gaara xaaladda dalku ku sugan yahay awgeed

askarigu waa inuu feejig-naada oo taxadar u yeeshaa xaalada meesha ka jirta. lkn waa inuusan xaalada kicin oo uusan cabsi ku abuurin dadka arintu saameyneyso.

3. INUU ILAALIYO SHARAFTA OO IXTIRAAMO MUWAADINKA: Laamaha amnigu qofka ay qabtaan waa eedeysane oo kaliya ilaa maxkamadi xukuntaa, sidaa daraaded askarigu waa inuu muujiyaa ixtiraam iyo xilkasnimo markasta iyo xaalad kasta. Askarigu waa inuu qofka si degan wax u weydiiyaa, ka fogaada adeegsiga xoog inta qofku muujinayo wada shaqeen iyo inaanu u muuqan qof khatar laga filan karo.

4. IN ASKARIGU U EKAADO QOF LA AAMINI KARO: Dadku waxeey qiimeeyan muuqaalka guud iyo dhaqanka qofka, askariga amniga ka shaqeeynayaa waa ineey ka muuqato astaamaha iyo akhlaaqda dadka deegaanku aaminsan yahay. Maadama aanu bulsho Islaama nahay, Askarigu waa inuu lahaada muuqaal iyo akhlaaq Muslim-nimo. Muuqaalka askariga waxaa ka mida labiska, Nadaafada, Salaadaha, Amaanada iyo Daacadnimada.

5. IN SI DEGAN MUWAADINKA U DHAGEYSTO: Askarigu waa inaanu awood sheegan, waa inaanu ku takri-falinta dareeska iyo qalabka dowladda. Waa inuu ogaada sababta uu labiska u xiran yahay, mushaarka u qaato. Waa inuu ogyahay inuu yahay adeege u shaqeeya shacabka, Mushaarka uu qaato laga aruurshay bulshada Soomaaliyed, isaguna nasiib u helay in laga shaqaaleysiiyo.

Qodobadaa aanu kor kusoo xusanay iyo kuwa kaloo badan, askariga wadada taagani iskama sameen karo hadaaney jirin saraakiil ka sareeysa oo ku kormeerta, maxkamad ciidan oo shacabka cabashadiisa dhageeysata ama maamulka sare ee amniga oo dhiiri galiya shacabka ineey soo wargaliyaan askarigii xad’gudub ku kaca oo shacabka wax yeeleeya. Laamaha amnigu waa ineey sameeyaan tababaro joogta iyo wacyigalin kor loogu qaadayo garaadka iyo aqoonta askata. Si gaara booliiska soomaaliyed waa ineey lahaadan hay’bad iyo muuqaal la jaan qaadi kara dhaqanka iyo diinta suuban ee umadda soomaaliyeed.

Guntii iyo gaban-gabadii, umad iyo dal hurumar kiis waxaa u asaasa cadaalada iyo sinaan. Waa musiibo hadii kalsooni daridu ama cadaalad la’aantu gasho laamaha amniga iyo maxkamadaha. Waxeey sababtaa amni xumi iyo foowdo baahsan, waxeey horseeda in shacabku sharciga gacantooda ku qaatan, waxeey fursad siisa kuwa dowlada kasoo horjeeda.

Waxaa amni lagu sugi karaa bulsho iyo dowlad wada shaqeeya, wada shaqeeyntu waxeey u baahan tahay kalsooni ku dhisan qodobadaa aanu soo sheegnay, kalsoonidaas waxaa abuuri kara hay’adaha amniga oo fahma, dhageeysta shacabka, oo hirgaliya rabitaanka shacab-ka.

Tayo, Cadaalad iyo Hormar.

W.Q Axmed A. Aden

Falanqeeye Amniga iyo Ganacsiga. Email: aawsac@gmail.com

Twitter: AhmedKarjab

Related posts

Mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Somalia oo caawa ku geeriyooday Muqdisho

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Iska hor imaad ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Xiisad…

Cabdi Cade

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo Saakay Dib u qarxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---