Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidanka Danab oo sheegay iney laayeen dagaalyahano Shabaab ah oo qaraxyo diyaarinayay

Guutada 16aad ee ciidanka kumaandoska Somalia ee Danab ayaa hawgal balaaran oo ay ka sameysay degaanka Baloow Eylo ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku dileen in ka badan Soddon ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo qaraxyo ku diyaarinayay gaadiid, sida ay sheegtay warbaahinta Dowlada

Taliyaha guudata 16aad, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in sidoo kale duqeyn lagu gubay gaadiidkii Al-shabaab ay ku diyaarinayeen qaraxyada.

“Howlgalkan lagu naafeeyay cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay ciidanka kumaandosku ku baacsanayeen haraadiga kooxaha calooshood u shaqeystayaasha, naf lacaariga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliye Maalin.

Marka laga yimaado sheegashada saraakiisha dowlada, Lama hayo warar madax banaan oo ka hadlaya sida uu howlgalkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa Sababay in Kenya ay soo celiso dayuurad uu la socday Wasiirka amniga Somalia?

Caydiid Ali

Khayre Oo Guddoomiyay kulan looga Hadlay Amniga Caasimadda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qaraxyo saaka lagu weeraray guri uu degena taliyaha Nabad Sugida degmada Dayniile

Caydiid Ali
Taboola Ads ---