Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa caawa wax yar ka hor saqdii dhexe laga maqlay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Warta nabada (Ex-Wardhiigley)

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta ee dowlada Somalia Ismaaciil Orango ayaa boggiisa facebook ku soo daabacay in qaraxaas uu aha mid ay fashiliyeen ciidamada amaanka.

“Ciidamada Amniga ayaa Qarxiyay Bam Gacmeed laga helay Guri Dhisme uu ka socday Xaafadda Florensa Dagmada Warta nabadda, Bamka oo ahaa mid duugoobay ayaa ku aasnaa dhulka, waxaana maamulka degmada ku soo wargaliyey dadka degaanka” ayuu yiri Afhayeenka

Waxaa uu intaas ku daray in lagu guuleystay bamka in la qarxiyo isagoo aan waxyeelo geysan, wuxuuna u mahad celiyey ciidamada amaanka, maamulka degmada Warta nabada iyo shacabka oo arintan gacan ka geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeymo culus oo saakay ka dhacay Deegaano ay joogeen Al Shabaab iyo Dowladda oo …

Cabdi Cade

Xildhibaannada Labada Aqal oo maanta dooday Ajande Xasaasi ah oo la horgeeyay

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeeyay ee ninkii ka dambeeyey dilka Suleeqo Yusuf Axmed iyo Khayre oo Qorshe cusub wado !!

admin
Taboola Ads ---