Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bixii maanta ka dhacay Muqdisho oo ka duwanaa kuwii hore (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada muqdisho gaar ahaan hoolka xarunta Iskool Buluusiya lagu qabtay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday qaraxii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Ex-koontarool Afgooye.

Inta badan banaan baxyada magaalada Muqdisho ayaa ka dhici jiray fagaarayaal ay kamid yihiin Daljirka Dahsoon iyo sidoo kale garoonka kubada Cagta ee Eng- Cabdiraxmaan Yariisow Ex-Koonis .

Banaan bixii maanta ayaana kaga duwanaa kuwii horey uga dhici jiray magaalada Muqdisho in lagu dhax qabtay hool dhaxdiisa, waxa ayna dadka qaar arintaasi sabab uga dhigeen cabsi la xariirta dhinaca amaanka.

Dadka banaan baxa ka qeyb qaadanayay oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa filayay in banaan baxa ka dhaco fagaare hasa ahaatee waxaa dadka lagu war galiyay in ay isugu tagaan fagaaraha iskuul buluusiya si halkaasi dareenkooga ugu muujiyaan.

Gudoomiyaashii hore ee gobolka Banaadir ayaa ahaa kuwa dhiiran oon inta badan ka cabsan in dadka dhax galaan kana qeyb galaan banaan baxyada lagu qabto fagaarayaasha, hasa ahaatee Gudoomiye Cumar Finish ayaa la sheegaa in uu yahay nin aad u taxadar badan kana muuqato cabdi dhinaca amaanka ah.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Iska horimaad ka dhacay magaalada Garawe iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dowlada oo Talaabo ka qaadeysa cidii ku takri fashaa isticmaalka Numberka 499

Cabdi Cade
Taboola Ads ---