Allbanaadir.com
NEWS

Amaanka Muqdisho oo saakay la adkeeyay iyo Wadooyin badan oo xiran

Waxaa saakay si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho, waxaana la xiray qaar badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee caasimada oo loo diiday in gaadiidka dadeynaha maraan.

Ciidamo badan oo booliis ah ayaa la dhigay wadooyinka xiran iyo qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, ciidamada ayaana ku jira feejignaan dheeri ah si ay uga hortagaan xaaladaha amaan daro.

Sabababha wadooyinka saakay loo xiray ayaa lagu sheegay banaan bax balaaran oo saakay ka dhacaya xerada ciidanka booliiska Jeneraal Kaahiye, waxaana halkaasi ka dhacaya banaan bax looga soo horjeedo qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye.

Banaan baxa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in ay ka qeyb galaan hadalana ka jeediyaan masuuliyiin katirsan dowlada.

 

Related posts

Maxkamad ku taalla Maraykanka oo xukun culus ku riday Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay warbixin lataaban qodob ka kooban (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Fogaan arag kula shiray Guddi uu dhawaan Magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---