Booliiska dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira sadex nin oo u dhashay dalkaasi ,kuwaa oo la sheegay in ay xadka ka gudbeen kuna biireen dagaalyahanada Al Shabaab .
Warbaahinta Kenya ayaa baahisay sawirada iyo magacyada ragan booliiska baadi goobayaan, waxaana shacabka Kenya laga codsaday in booliiska gacan ku siiyaan soo qabashada ragan.
Charles Wahong’o oo ah madaxa Isgaarsiinta Ciidanka Booliska Kenya, ayaa sheegay in arbacdii la waayay Mohamed Abdalla Asman oo loogu yeero Papa ama Raymond, Hamis Hemed oo loo yaqaan Baloteli iyo Ali Ahmed Ali.
Booliiska Kenya ayaa aaminsan in ragan ku biireen Al Shabaab ayna joogaan xeryo Shabaab ku tababaraan dagaalyahanada, waxaana booliiska ka cabsi qabaan in ay dib usoo laabtaan weerarna ka fuliyaan gudaha Kenya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com