Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxkamad maanta lasoo taagay Siyaasi iyo Odayaal dhawaan ay xireen Ciidamada Puntland

Waxaa maanta maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida maamulka Puntland lasoo taagay siyaasi iyo Odayaal dhawaan ay xabsiga dhigeen ciidamada amaanka maamulka Puntland.

Siyaasiga iyo Odayaasha maanta maxkamada kasoo muuqday ayaa lagu eedeeyay kicin dadweyne kadib markii si adag uga soo horjeesteen heshiiska Imaaraadka kula wareegay Dekadda magaalada Boosaaso.

Dhageysiga Dacwadaha loo heestay Siyaashgiga iyo odayaasha la xiran kadib ayaa maxkamada sheegtay in mar kale la isugu soo laaban doono isbuuca dambe dhageysiga kiiskan loo heesto waxgaradka.

Xubnaha maanta lasoo taagay Maxkamada ayaa kala ahaa Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Caqabadaha Dowladiisa kala kulmeyso Mucaaradka

admin

Melania Trump oo amartay in la jaro geed in ka badan 200-Sano kuyaalay Aqalka Cad (Daawo Sawirro)

admin

Puntland oo shaacisay in ay u diyaar garoobeyso Dagaal Waqti dheer soconaya (War cusub)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---