Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Gobolka Banaadir oo iclaamiyey banaanbax weyn oo looga horjeedo..

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iclaamiyay in maalinta Khamiista ah uu magaalada Muqdisho ka dhici doono banaanbax weyn oo looga horjeedo Al-shabaab oo dhowaan qarax lagu hoobtay ka geysatay Muqdisho

Masuuliuyiin ka tirsan gobolka ayaa sheegay in banaanbaxan ay ka qeyb geli doonaan qeybaha bulshada laguna qaban doono taalada daljirka dahsoon.

“Dibadbaxan weyn waxay reer Muqdisho ku muujinaayan midnimadooda iyo in meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Al-Shabaab iyo ka hortaga falalka guracan oo ay Argagixisada ku xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri masuul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir

Ugu yaraan 90 qof oo shacab u badan ayaa ku dhimatay in ka badan 150 kalena wey ku dhaawacmeen qarax xoogan oo maalmo ka hor ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaas labo cisho ka dib sheegatay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu sameeyay Jabhado Hubeesan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Alper Aktaş kalana hadlay dhibaato dhacday (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo maxaabiis badan is dhaafsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---