Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Miguel Díaz-Canel oo Telfoon kula soo hadlay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Madaxweynaha Dalka Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa shaaciyay in telfoon kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta .

Qoraal uu Madaxweyne Miguel soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ayuu ku sheegay in uu la xariiyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya kana wareestay xaalada labo dhaqtar oo Kuubaan ah oo laga soo adfuubtay Kenya laguna hayo Soomaaliuya.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha dalka Kuuba in Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurru Kenyatta  kala hadlay sidii xuriyadooda dib ugu heli lahaayeen labadaasi dhaqtar iyaga oo bad qaba .

Horaanti sanadkan ayaa gudaha Kenya gaar ahaan duleedka magaalada Mandheera laga soo afduubtay labadan dhaqtar ee u dhashay dalka Kuba, waxaana Kenya sheegtay in kooxaha afduubtay la aadeen Soomaaliya ayna dalbadeen madax furasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wareegto ku Magacaabay xil cusub

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay Wariye Jamal Khashoggi oo Mareykanka gaaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo xil u magacaabay Cabdisamad Salaad Aadan (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---