Markab ay soo dirtay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa shalay ku soo xirtay dekeda caalamiga ah ee Muqdisho kaasoo faahfaahhino ay ka soo baxayaan ujeedada laga leeyahay.
Wararka ayaa sheegaya in markabkan oo faaruq ah lagu daabulayo qalab milateri iyo gaadiid ay isticmaalayeen saraakiishii Imaaraadka ee Muqdisho ku tababarayey ciidamada dowlada.
Imaaraadka ayaa galabta illaa caawa Xerada Tababarka Ciidamada ee Jen. Gordon kala baxay gaadiid fara badan oo isugu jiray, kuwo aysan xabaduhu Karin, gaadiidka Gaashaaman ee ciidamada, booyado iyo qalab kale oo halkaas yiilay, kuwaasoo la isugu geeyey xarunta Safaarada Imaaraadka ee degmada C/casiis.
Qalabkan ayaa la sheegay in loo diyaarinayo sidii loogu daabuli lahaa markabka taagan dekeda Muqdisho, si loogu celiyo dalka Imaaraadka, iyadoo dowlada Somalia ay fasaxday in qalabkaas la raro.
Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay  inuu joojinayo dhamaan howshii tababarka iyo taageerada ciidamada ee uu ku taageerayey dowlada Soomaaliya ka dib markii uu xumaaday xiriirka labada dal oo mudooyinkanba ahaa mid mugdi sii galayey.
Dowlada Soomaaliya ayaa qaati ka taagneyd mudooyinkan fara gelin wejiyo badan leh oo dowlada imaaraadku ku heyso arrimaha gudaha ee Somalia taasoo bilaabatay markii dowladu ay mowqif dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka dalalka khaliijka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com