Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyntii Mareykanka ee Kuunyo Baroow oo la sheegay in lagu dilay Ganacsade Caan ah iyo Geel ….

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa shalay duqeyn xoogan ka fuliyay deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Mareykanka war ay soo saareen ku sheegeen in duqeynta la beegsadeen xubno katirsan Al Shabaab.

Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow lagu dilay Ganacsade caan ka ahaa deegaankaasi iyo geel daaqayay goobta duqeyntu ka dhacday.

Waxa ay sheegeen in Duqeynta lagu bur buriyay gaari uu watay ganacsade Kuusow Xaaji Maxamad Yuusuf oo goobo ganacsi leh deegaanka Kuunyo Barow, waxa ayna Warbaahinta Al Shabaab sheegeen in duqeynta sidoo kale lagu dilay 12-neef oo geel ah.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika iyo dowlada Soomaaliya ayaa horey loogu sheegay in duqeyta lagu diay xubno katirsan Al Shabaab ay ku jiraan saraakiil sar sare .

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif oo Digniin culus kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan

Cabdi Cade

Daawo:-C/raxmaan C/Shakuur oo dood adag Ka Keenay arrin halisteed leh oo ay Kula dhaqaaqday Villa Somalia !!

admin

Meydka askari ka tirsan Ciidamada DF oo la soo dhigay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---