Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA iyo koox ka tirsan Al-shabaab oo ku dagaalamay xaafad ka tirsan Muqdisho

Qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Carafaad ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ka dhacay galabta dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugida Soomaaliya iyo koox hubeysan oo ka tirsanaa  Al-Shabaab.

Lama faahfaahin qaabka uu iska horimaadkan ku bilowday balse ciidamada Nabadsugida ee dagaalka la galay Al-Shabaab ayaa waxaa  la socday taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada Yaaqshiid, waxaana goobta uu dagaalka ka dhacay lagu soo bandhigay Meydka nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalkan.

Afar dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay iney ku lug lahaayeen iska horimaadka ka dhacay agagaarka Isbitaalka Carafaad.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga  iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Max’uud, ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka dhacay, iyagoo soo arkay Meydka Nin la sheegay inuu ka mid ahaa raggii la dagaalamay ciidamada NISA.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkan  sidoo kale Al-Shabaab looga dhaawacay hal nin oo faro cidiyo ku leh ku baxsaday laguna raad joogo, sidoo kalena dhankooda ayuu sheegay iney ka dhaawacmeen laba Askari.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Joog kabo ah uu nashqadeeyay Fanaan caan ah oo lagu iibsaday $1.8 milyan (Sawirro)

Cabdi Cade

Trump oo shaaca ka qaaday in Eeyo arxan daran u adeegsanayo Dibad baxayaasha hadii ay…

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo guulo ka gaaray doorashada Gobolka Minnesota (Sawirro)

Cabdi Cade