Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xog cusub oo laga soo saaray Khasaaraha qaraxii Ex-Control & gurmadka socda

Wasaarada Caafimaadka ee xukuumada Somalia ayaa soo saartay xog cusub oo la xiriirta khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay nawaaxiga Ex-control Afgooye iyo gurmadka loo sameynayo dadka dhaawaca ah

Hoos ka akhriso qoraalka Wasaarada

XOG KOOBAN: DADKII KU WAXYEELOOBAY MUSIIBADII KA DHACDAY EX-KONTOROOL, AFGOOYE, 28 DECEMBER 2019

  • Tirada guud ee dhaawaca Isbitaallada la geeyey: 148
  • Tirada la dhigay/jiifiyey Isbitaallada: 132
  • Tirada isbitaallada laga saaray: 16
  • Tirada guud ee dhimatay: 79
  • Wasaaradda Caafimaadka waxay dhaawacyadii u kala saartay kuwo daran iyo kuwo roon, waxaana kuwa daran la geeyey Isbitaalka Digfer/Erdugan oo tiradoodu ahayd: 51
  • Waxaa maanta dalka Turkiga loo qaaday intii ugu darnayd oo dhan: 15 qof
  • Waxaa hadda socota dib u qiimeynta intii hartay si berri dalka Qadar loogu qaado
  • Waxaa kaloo Wasaaraddu ku howlantahay raadinta magacyada dadkii ku dhintay qaraxii shalay
  • Raadinta dadka la la’yahay oo Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradda Gargaarka
  • Waxay Dawladda Turkiga noo keentay Takhaatiir iyo Daawooyin
  • Waxaa Wasaaraddu ka codsatay Dowladda Qadar Daawooyin Gurmad caafimaad
  • Gudiga Gurmadka Wasaaradda Caafimaadka wuxuu la falgalay Gudiga Gurmad Qaran oo saldhigoodu yahay Wasaaraada Gargaarka.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haween Soomaaliyeed oo Dacwad ka gudbiyay Shirkada Amazon

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Kenya oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni: “Maamulka Hawada Somalia ma ahan dukaan qof leeyahay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---