Wasiir ka tirsan dowlada India ayaa sheegay hadal iyo yaab iyo amakaag badan abuuray oo ahaa in Internetka ay kumanaan sano ka hor soo saareen Hindidii xilligaas noolayd.
Biplab Deb, oo wasiir ka ah gobolka waqooyiga bari ee Tripura ayaa hadalka ka jeediyey fiidnimadii Talaadada meel ay dad isugu yimaadeen.
Wuxuu tusaale u soo qaatay gabyaa Hindi ah oo la oran jiray Mahabharata si uu doodiisa qiil ugu yeelo, laakin ma uusan helin cid ka qaadata.
Hadalka Tripura CM Biplap Deb ayaa aad la isula dhex marayaa Twitterka, iyadoo Hunuud badanna ay ku jeesjeesayaan halka qaar kalena ay hadalkiisa ka dhigteen wax lagu maadsado.
Mr Deb ayaa ku biiraya liis dheer oo ay ku jiraan wasiirrada iminka xilka haya ee ka soo jeeda xisbiga Hinduuga ee BJP, kuwaasoo uu ku jiro ra’iisul wasaare Narendra Modi.
Waxay ku doodayaan guulo waaaweyn oo xilligan laga gaaray sayniska iyo tiknoloojiyada ay yihiin kuwo la ikhtiraacay qarniyaal ka hor.
Sannadkii 2014 ayuu Mr Modi ka sheegay isu imaatin ay ka qayb galeen dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka dhacay Mumbai, in qalliinka isqurxinta uu jiri jiray xilligii Hindidii hore.
Wasiirka tacliinta, Satyapal Singh, ayaa dadka ka yaabiyey markii uu sheegay in dayaarad markeedii ugu horraysay ee la soo hadal qaado ay ahayd xilligii uu noolaa ninkii afmaalka ahaa ee Ramayana.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com