Allbanaadir.com
NEWS

Amniga Muqdisho 6-Bilood ayaa lagu sugi karaa Hadii la qaato Talooyinkan !!!

Waxaan u maleynayaa cinwaanka mucjiso ayuu kugu noqday ama waad layaabtay markaad aragtay, hadaba waad ku saxantahay inaad sida u fakarto maxaa yeelay laga soo bilaabo dhamaadka sanadkii 2006 magaladan waxey ku dhacday god dheer oo ay adagtahay sidii looga soo saari lahaa. Waxba taariikh hore idinku daalin maayo qof waliba oo garaad leh da’adiisuna 30-sano gaarsii santahay waa la socdaa wixii dalkan iyo magaladan gaar ahaan ka dhacay.

Marka hore waxaan rabaa inaad ogaataan Xamar ineey amaan noqoto waxaa hortaagan sadex qodob midkood ama iyagoo is biirsaday, qodobadaas waxey kala yihiin

1: In si ku Tala Gal ah Magaaladan Amni looga Rabin. 2: Ilaashiyo Daño Siyaasadeed, iyo 3: Aqoon Dari laamaha Amniga Heysata.

Aan guda galee Xamar ineey amni hesho waxaan kusoo koobaya laba eray oo ah: ‘DAREEN LAHAANSHO’ ama waxa loo yaqaan ‘SENSE OF OWNERSHIP’. Caqliga ilaahey waxa uu noo siiyay inaan fakarno waxna ka barano waxyaalaha nagu haree’reysan, bal is weydii waxa Xamar ka badalay magaalooyinka kale ee amniga ah sida Hargeysa, Garowe, Cadaado iyo Kismaayo? Waxaan u maleynaya waa isku soo dhawaanay hadda, Farqiga u dhaxeeya magaalooyinkaas aan sheegay iyo Xamar qof waliba waa u sheegi karaa. Alshabab ineey magaaloyinkaas iskood isaga daayen miyay kula tahay? Jawaabtu waa maya, Shabab iskama aaney deeyn, dadku waa isku mid waana Soomali, waana isku diin oo diinta shabab ma heystaan. Waxaa ka hor istaagay waa dadka deeganka, maamulka, culimada, dhalinyarada iyo aqoon yahankooga oo isku duuban iyo saraakiisha degaanka u dhashay ooy ka go’antahay xaqiijinta amniga magaala’dooda.

Xamar intaa aan soo sheegnay maka jirtaa, waa MAYA. Waase laga sameen karaa amnigeeduna 6-bilood oo kaliya ayuu u baahan yahay hadii si daacad ah loo hirgaliyo qodobada hoos ku xusan;

1. AMNIGA IN GACANTA LAGA GALIYO DADKA DEGAN: Xamar waxaa wada degan soomali oo dhan, waana sababta ey caasimad u tahay, lkn waa lagu kala badanyahay dhibteeduna dadka dagan ayay si gaara u taabaneysa. Magaalada ganacsigeeda, deegankeeda iyo dhaq’dhaqaqeda guud waxaa hormuud u ah 3 beel oo ka tirsan beesha Hawiye. Dhib waliboo ka dhacda 3-daas beel ayuu si gaara u saameeya, dhimashada ugu badan iyaga ayuu gaara, hantida ugu badan dadka beelahas ku abtirsada ayuu ka bur’buraa, Iyaga laftoodu waxeey ugu kala badanyihiin hadba meesha dhibtu ka dhacdo. Tusaale qarax haduu Waqooyiga Xamar ka dhaco beesha Abgaal ayaa qasaaraha ugu badan kasoo gaaraa, hadii musiibo Xararyaale ama Daynile ka dhacdo beesha Murusade,

hadii KM4 iyo Banadir dhibaato dhacdo Habargidir ayuu qasaaraha ugu badan ee naf iyo maalba leh gaara. Sidaa darteed, amniga iyo maamulka magaalada waa in qabaa’ilka dhibtu sida gaarka ah u taabaneyso gacanta loo galiyaa, faragalinta dowladda dhexana laga daaya.

2. PÓLICE IYO NABAD SUGID GOBOLKA U GAAR AH LAGANA SAARO MILITARIGA IYO PÓLICE KA FEDERALKA: Si loo xaqiijiyo in dadka degaanku amnigooda xaqiijiyan, waa in ciidan ka madax banaan hay’adaha amniga federaalka loo sameeyaa sida magaalooyinka kale ee dalka. Waa in ciidanka federaalka ee leh Police, Nabad sugid iyo Military meelo cayiman la geeya oo aaney ku milmin laamaha amniga gobolka Banaadir. Ma aragteen dowlada dhexe oo faraha kula jirta amniga iyo howlaha pólice ka Puntland ama Jubaland? Mase aragteen taliyaha pólice-ka federaalka oo hor boodaya musiibo maamuladaas ka dhacday? Hadaba hadii larabo in gobolkaan amnigiisa la sugo halaga daayo faraha badan. Soomalidu waxeey ku maah’maahda “Dherigii gacma badan kariyaani waa fuud xaraarada”

3. SARAAKIISHA HOGAAMIN DOONTA CIIDANKA WAA INEEY AQOON IYO KARTI KU YIMAADAN: Si loo xaqiijiyo hadafka guud ee amniga magaalada, saraakiisha hogaamin doonta laamaha amniga gobolka waa inaan la siyaasadeen, oon laga eegin inuu xisbiga markaa talada haya taagero u yahay. Dad badan waxeey aaminsan yihiin sababta hay’adaha amnigu ugu fashilmeen shaqadooda ineey tahay aqoon dari iyo karti la’aan heysata shaqsiyaadka loo magacaabo. Xilalka la magcaabayo ee masiirka umadda soomaliyeed loo dhiibayaahi waa ineey karti iyo mudnaan ku yimaadan, si gaara laamaha amniga waa inaaney siyaasad lug ku yeelan.

4. ASKARTA IYO SARAAKISHA KA SHAQEEYNEYSA AMNIGA GOBOLKA WAA IN XAAFADAHA LAGA QORAA: Mida u danbeeysa lkn muhiimad gaara lihi waa soo xulista iyo qorista askarta iyo saraakiisha amniga gobolka waa in fiiro gaara loo yeesha. Xaafad waliba waa in dhalinyarada degan ee aan balwada laheyn ama aan hore falal danbiya usoo galin laga qoraa. Pólice aan xaafada uu ka shaqeeynaya kala aqooni amni ma sugi karo, askarta degma kastaahi waa ineey dadka xaafada kala yaqaanan ogaan karaana qofkii cusub ee kusoo biira xaafada.

Talaabo walba iyo go’aan waliba oo loo qaato in wax lagu wanaajiyo wuxuu u baahan yahay geesinimo iyo dhiiranaan. Qodobada aan kor kusoo xusay waa hubaal dowlada dhexe inaanu u cuntameen, sababtuna waa iska cadahay oo Xamar waa magaalada kaliya ee dowlada dhexe gacanta ku heeyso dhinac waliba. Waxaana laga yaaba ineey is ku fakareyso hadaad xamar dadka dagan gacanta u galisaan armaad waxaad maamushan weysaan!!! Waxaan aamin sanahay in marka hore bad’baadada iyo dhiig joojinta shacabka xamar wax waliba laga hormariyo, marka labaadna dowladu xooga saarto dhismaha ciidan qaran oo dalka dhan ku

baahsan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladda madaxweyne Farmaajo hogaamiyo waxaa magac iyo taarikh ugu filan ineey xamar nabad ka dhigto.

W. Q: Axmed A. Aden

Falanqeeye arimaha dhaqaalaha iyo amniga Email: aawsac@gmail.com

Twitter: /AhmedKarjab

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Difaaca DF oo arrimo muhiim ah kala hadlay Saraakiil ka tirsan EU (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo kormeeray ciidamada Cirka ee Eritrea lagu tababarayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoraal muujinaya in Golaha Shacabka Mudo kordhin sameesanayaan oo Xildhibaanada loo qeybiyay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---