Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka Muwaadiniin Turki ah oo laga qaaday magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw Diyaarad milatari oo soo dirtay dowlada Turkiga lagu qaaday meydadka labo Injineero oo u dhashay dalka Turkiga kuwaa oo shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay Isgooska Ex-Koontarool Afgooye.

Injineeradan Turkiga ah ee dhintay ayaa xiliga uu qaraxu dhacayay ku sugnaa Isgooska Ex-Koontarool Afgooye, waxaana la sheegay in gaariga qaraxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay gaari ay la socdeen.

Dowlada Turkiga ayaa xaqiijisay in laba muwaadin uga dhinteen qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwa kalana ku dhaawacmeen, waxaana Inineeradan Turkiga ah ku mashquulsanaayeen dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Meydadka muwadainiintan Turkiga ee dalkooda loo qaaday ayaa la filayaa in aas loogu sameeyo dalkooda, waxaana meydadka labada muwaadin la huwiyay calanka dalkooda Turkiga iyadoona sii sagootiyeen safiirka Turkiga iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jaamacad ku guulaysatay tartan adag oo dhakhaatiir ay u galeen Isbitaalka Erdogan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo dalkeeda ka mamnuucday luqada Turkiga

Caydiid Ali

Generaal Cabdalla Cabdalla oo laga saaray Xubinimadii Hay’adda NISA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---