Isbitaalada waa weyn ee magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u badan kuwaa oo baadi goobaya eheladooda oo ay la yihiin nolol iyo geeri loona maleenayo in waxyeelo kasoo gaartay qaraxii shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye.
Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ayaa noqday kuwa ugu mashquulka badan ay buux dhaafiyeen dad badan oo eheladooda la’ nolol iyo geeri, waxa ayna dadkan codsanayaan in la tuso qaboojiyaasha meydadka la galiyo iyo goobaha ay dhaawacyada halista ah yaalaan.
Qoysas badan ayaan wali heynin xubno ehelkooda kamid ah oo ay ku la’yihiin nolol iyo geeri, waxa ayna qoysaskan iyaga oo aad u naxsan una niyad jabsan dhooban yihiin isbitaalada waa weyn ee Muqdisho si u helaan dadka ka maqan nolol iyo geeri.
Qaar badan oo kamid ah dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la aqoonsaday, waxaa sidoo kale jira dad aan ehelkooda la heyn oo dhintay iyo kuwa xaalad halis ah ku jira.
Dadkii ku dhintay qaraxii shalay magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa qaarkood la sheegay in aan la aqoonsan karin maadaama uu qaraxa si xoogan u saameeyay jirkooda, waxaana isbitaalada qaar la geeyay hilbo lasoo aruuriyay.
Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badnaa sanadkan sii dhamaanaya, waxa uu sidoo kale kamid noqonayaa qaraxyadii adexaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com