Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Milatari oo qaadeysa Dhaawacyo oo kasoo degtay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa saakay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad milatari oo siday daawooyin iyo dhaqaatiir kuwaa oo qeyb ka noqonaya gurmadka  dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Diyaaradan Muqdisho timid ayaa sidoo kale la filayaa in dalka Turkiga u qaado si loogu soo daweeyo qaar kamid ah dhaawacyada culus ee lagu daweyn waayay isbitaalada kuyaala magaalada  Muqdisho  .

Dowlada Turkiga ayaa noqotay dowladii ugu horeesay ee usoo gurmata shacabka Soomaaliyeed ee dhinbaatada xoogan shalay kasoo gaartay qaraxii xooganaa ee ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye.

Isbitaalada waa weyn ee dalka Turkiga ayaa u diyaar garoobay sidii ay ula tacaali lahaayeen dadka qaba dhaawacyada culus ee la filayo in saacadaha soo socda la gaarsiiyo isbitaalo kuyaala dalka Turkiga.

Qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa galaaftay nolosha dad ku dhaw Boqol qof halka ay ku dhaawacmeen qaraxa dad ka basan 100-qof oo kale kuwaa oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shuruudo layaab leh oo lagu xiray Gabdho Wariyaal ah oo Tv-ga Dowlada qaadanayo !!

Cabdi Cade

Taliye Odowaa oo digniin adag siiyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Caydiid Ali

Jen. Bariise oo ka hadlay askar ka tirsan Booliska oo dilal ka geystay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---