Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Magaalada Zwolle [Holland] oo martigalisay tartan kubadda cagta ah oo ay ka soo qeybgaleen 8 kooxood [SAWIRRO]

Magaalada Zwolle oo ka mid ah magaalooyinka ay dagan yihiin Jaaliyadaha Soomaalida Holland, ayaa maanta martigalisay tartan kubadda cagta ah kii ugu horreeyey oo ay ka soo qaybgalaan 8 kooxood oo Soomaali ah, kana kala yimid magaalooyinka kala duwan.

Boqolaal taageerayaal iyo dad shicib ah oo ka kala yimid magaalooyinka kooxahaasi ka yimaadeen ayaa maanta soo buux dhaafiyay garoonkii lagu qabtay tartanka, waxaanna kooxaha ka qaybgalay oo ka kala yimid magaalooyinka Zwolle, Tilburg, Ermelo, Nunspeet, Gouda, Baaran iyo Nijkerk ay soo bandhigeen ciyaar wanaag ay ka muuqsuudeen dadkii u soo daawasha tagay, iyada oo tartankuna uu xamaasad gaar ah u lahaa ciyaartoyda iyo ka soo qaybgalayaasha intaba.

Magan Daahir oo ka mid ah shaqsiyaadka maqaamka sare ka gaaray ciyaarta kubadda miiska, una soo ciyaaray kooxo ka dhisan dalkan Holland, ayaa lagu sharfay inuu tartanka furo, isaga oo kelmado qiimo badan u jeediyey da’yartii ciyaarayay.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda Axmed Hayaan, oo isna kulanka ka hadlay wuxuu u mahadceliyey guddigii ay u xilsaareen qabanqaabada tartanka iyo shaqsiyaad si mutadawacnimo ah ula shaqeeyey guddiga, isaga oo tilmaamay in maskax iyo waqti intaba ay galinayaa horumarka bulshada Soomaalida.

“Jaaliyadda Zwolle iyo nawaaxigeeda waxaa sharaf wayn u ah in a martigeliso tartan kubadda cagta ah oo ay ka soo qeybgalaan 8 kooxood oo Soomaali ah, waxaanna u mahadcelinayaa guddigii howshan isku soo duba-riday” Ayuu yiri aqoonyahan Axmed Hayaan, isaga oo sheegay in guddigooda u taagan yihiin in bulshada ugu qidmeeyaan iyaga oo aan dooneyn in ay dedaalkooda wax ku bedeshaan.

Cabbaas Cali Nuur oo ahaa xiriiriyaha tartanka, dhanka kalena ka mid ahaa aqoonyahanadii aasaasay jaaliyadda magaaladaas, ayaa ugu baaqay ciyaartoyda in shuruucda ciyaarta ilaaliyaan, isaga oo tilmaamay in hadafka tartanka loo qabtay ay ugu wayn tahay isbarashada da’yarta Soomaalida dhexdooda iyo sidii ay isu waydaarsan lahaayeen khibradaha mid waliba uu kan kale dheer yahay.

“Waxaa dhihi karaa Zwolle iyo guud ahaan guddiga jaaliyadda ee uu madaxda u yahay Axmed Hayaan waxay gaareen guul taariikhi ah mar haddii ay isu keeneen tiro intaas la’eg oo Soomaali ah, waxaan u mahacelinayaa cid kasta oo qayb ka qaadatay qabsoomida tartankan, tartankani wuxuu fure u noqon doonaa in sannad walba Zwolle ay martigelin doonto” Ayuu yiri Cabbaas, isaga oo intaa ku daray in sannadka dambe ay rajeynayaan in ay kooxuhu ay intaasi ka soo bataan.

Tartankan, oo kooxihii ka qeybagalay ay mid mid isu arkeen waxaa wareegii u dameebeyey isugu soo haray 4 kooxood oo kala ahaa Tilburug, Nijkerk, Nunspeet iyo Baaran, waxaaana koobkii tartankaasi loo dhigay ku guuleysatay kooxdii ka socotay Tilburug, halka kaalimaha 2aad iyo 3aad ay kala galeen Baaran iyo Nunspeet.

Gabagabadii tartanka guddiga jaaliyada ayaa abaalmarino guddoonsiiyey dadkii shaqsiyaad ka mid ah dadkii suurtagaliyey qabsoomida tartanka, waxaanna uu tartankaasi ku soo dhammaaday si qurux badan.

Related posts

Siyaasi Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dowlada Itoobiya

Caydiid Ali

RW khayre oo kormeeray ciidamo cusub oo loo diyaariyey amniga Muqdisho

Caydiid Ali

Faallada Qodobada Hindis-Sharciyeedka Dembiyada Galmada la Xariira

Cabdi Cade