Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa caawa booqday dhaawacyada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye.
Gudoomiyaha oo ay la socdeen xubno ka tirsan xilldhibaanadda Baarlamaanka ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalka digfeer ee Muqdisho.
Maamulka Isbitaalka Digfeer ayaa gudoomiyaha uga warbixiyay dhaawacyada la soo gaarsiiyay, tiradda dhimashada iyo inta dhaawaca ah, waxaana maamulka ay gudoomiyaha u sheegeen in berri subixii ay diyaarad gaar ah imaan doonto lana qaadi doono dhaawacyada culus ee aan digfeer wax looga qaban Karin.
Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa booqashada iyo warbixinta kadib u mahad celiyay maamulka iyo howl-wadeenada caafimaadka ee digfeer sida ay isugu howleen caafimaad qabka dadka dhaawacyadu ay soo gaareen isagoona dhanka kale mas’uuliyiinta turkiga ah kaga tacsiyadeeyay labo kamid ah muwaadinintooda oo iyana ku dhintay qaraxa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com