Turkiga ayaa mar kale noqday dalkii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay iney gurmad u soo dirayaan dadkii faraha badnaa ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay Ex-kontrol Afgooye.
Madaxweynaha Turkiga Reccep Dayyib Erdogan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Tiwitterka waxaa uu ku cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye.
“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee Muqdisho. Labadeenna muwaadin iyo walaalaheyga Soomaaliyeed ee geeriyooday waxaan Eebbe u weydiinayaa naxariis, dhaawacana caafimaad deg-deg ah. Qarankeenna iyo shacabka Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay waan u tacsiyeynayaa. Turkey, weligeed Soomaaliya waa garab taagan tahay waana sii wadeynaa gacanta aan siino walaalaheena Soomaaliyeed.” ayuu intaas ku daray madaxweynaha Turkiga.
Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Ibrahim Kalin ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed dhibaatada ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho isagoo balan-qaaday in Turkigu taageero ka geysanayo gurmadka dadka waxyeeladu bsoo gaartay.
Milateriga Turkiga ayaa isna sheegay inay dayuurad millateri u soo direen Somalia si ay gacan uga gaysato kaalmaynta dadkii ku dhaawacmay weerarkii
“Si aan u garab istaagno walaalaheena Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii argaggixisanimo ee muqdisho ka dhacay waxaan dirnay dayuuradda TSK oo sida Dhaqaatiir, daawooyin iyo Agab kale oo caafimad, dayuuradan ayaa laga diray saldhiga Kayseri” ayaa lagu yiri qoraal war kasoo baxay Ciidamada Turkiga.
Dad ku dhow boqol qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badana wey ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay nawaxiga Ex-kontrol Afgooye, kaasoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay isagoo noqday qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimada mudooyinkan.
Dadka geeriyooday waxaa ku jiray labo Injineer oo u dhashay dalka Turkiga kuwaasoo ku howlanaa dhismaha wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com