Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shiikh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday dhaawacyadi qaraxii saaka ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Masuuliyiintan ayaa ugu baaqay shacabka iyo dowlada iney gurmadkooda xoojiyaan si loo gargaaro dhaawacyada daadsan isbitaalada oo qaarkood aad u liitaan.
Waxaa magaalada Muqdisho ka socda gurmad balaaran oo loo sameynayo dad fara badan qof oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo iskugu jiray arday jaamacad ku sii jeeday iyo dad kale oo shacab ahaa.
Madaxweyne farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartay, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uua magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameynayo dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dad ku dhow boqol qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badana wey ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay nawaxiga Ex-kontrol Afgooye, kaasoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay isapoo noqday qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimada mudooyinkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com