Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo tirakoob ka soo saartay khasaaraha qaraxii maanta (Akhriso)

Wasaarada Caafimaadka xukuumada Somalia ayaa goor dhow soo saartay tirakoob hordhac ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxii lagu hoobtay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

WARBIXIN KOOBAN OO LAXIRIIRTA MUSIIBADII EKIS-KONTOROOL, AFGOOYE, 28 DECEMBER 2019

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay maanta dhan ku howlaneed gurmadka iyo wax u qabashada dadkii dhibaatadu ku gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Ekis-Kontrool, Afgooye.

Waxaa dhaawacyada loo qaybiyay 7 Isbitaal kuwaasoo isugu jira kuwa Guud iyo kuwa Gaarka loo Leeyahay, halkaas oo loogu fidinayo daryeel caafimaad.

Sidoo kale, waxaa la geeyay isbitaalada maydadka hada la xaqiijiyay oo dhan 79 ruux oo u geeriyooday qaraxii.

Waxaa ku dhaawacmay Qaraxa oo la geeyay isbitaallada 143 qof oo qaba dhaawacyoo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii maanta dhacay iyadoo 127 ka mid ah la jiifiyay Isbitaallada si loogu dabiibo.

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay u xilsaartay Guddi Dhaqaatiir iyo Howlwadeenno Caafimaad oo heer Wasaaradeed ah oo qaabilsan gurmadka musiibadii maanta dhacday.

Ilaahay ha u naxariisto inta geeriyootay inta dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo. Wixii soo kordha oo arintaan la xariira waxaad nagala socotaan Baraheena Bulshada:

-Dhammaad-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun lagu riday Sargaal katirsanaa Danab oo lagu helay in Al Shabaab basaas u ahaa

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo fursado maalgashi usoo bandhigay Ganacsatada Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif oo arimo Xasaasi ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---