Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Somalia oo ugu dambeyn ansixiyey sharciga doorashooyinka Qaran

Xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasoo ay dhawaanahan ka doodayeen.

Kulanka Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeennada Koowaad iyo labaad ee Golaha ayaa dood dheer kaddib waxa ay Xildhibaannadu akhrinta 3-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

“Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxaa ogol u codeeyay (Haa) 171 waxaa diiday 5 Xildhibaan, waxaana ka aamustay labo Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Sharcigii doorashada ayaa maanta Golaha Shacabka meelmariyay kadib markii saxitaan lagu sameeyay labo qodob oo ka hadlayay mudo kordhin loo sameeyo barlamaanka iyo arimaha Somaliland” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Khayre oo la Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socota Qaramada Midoobay Iyo Bangiga Adduunka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Weerar lagu bur buriyay Goob Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen iyo Idaacada Andulus

Cabdi Cade

Faah Faahino kasoo baxaya dil loo geestay Mustaf Maxamed Farayare

Cabdi Cade