Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre oo magacaabay guddi gurmad Qaran oo deg deg ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameynayo dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka baxeen.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah.

Wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada sida uu yiri.

Khayre ayaa maanta baajiyey safar u oqrsheynaa inuu ku tago magaalada Dhuusamareeb ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya inuu dhacay qarax si weyn loogu hoobtay.

Dad ku dhow boqol qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badana wey ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay nawaxiga Ex-kontrol Afgooye, kaasoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay isapoo noqday qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimada mudooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Wadahadalka Xasan Sheekh iyo Abiy

Cabdi Cade

Siyaasi sheegay in Ciidamadii Eritrea loo qaaday dalka lagu soo celinayo si loogu qabsado…

Cabdi Cade

Markab marayey Badda cas hub culus lagu weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---