Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Turkiga oo shaacisay tirada Muwaadiniintooda ee ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka dhacay qarax xoogan oo lagu dilay dad ka badan 100-qof oo shacab ah, waxaana dadkii qaraxaasi ku dhintay ku jiray muwaadiniin kasoo jeeday Turkiga oo howlo shaqo u joogay Muqdisho.

Gaariga waxyaabha qarxay laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in markii hore lagu dhuftay gaari ay la socdeen mudiindiinta Turkiga, waxaana halkaasi ku bur buray gaarigii qaraxa lagu dhuftay .

Wakaalada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu ayaa kasoo xigatay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mehmet Yilmaz in labo muwaadin oo u dhashay dalka Turkiga kamid ahaayeen dadkii lagu dilay qaraxa.

Muwaadiniinta Turkiga u dhalatay ee qaraxa ismiidaaminta ah saakay  lagu dilay ayaa ahaa Injineero ka shaqeenayay dhismaha Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxa ayna u joogeen goobta qaraxa ka dhacay kormeer shaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Taariikhda Drs. Xaawo Cabdi oo quluubta dadka Soomaaliyeed kaga tagtay Xasuus lama iloobaan ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Xi Jinping oo Warbaahinta horteeda ku canaantay Ra’isul Wasaare Justin Trudeau

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay howlgal lagu dilay 15 ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali