Allbanaadir.com
NEWS

Yaa ka Dambeeyay qaraxii lagu dhamaaday ee maanta ka dhacay Muqdisho ?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho u tahay maalin kale oo murugo badan, waxaana daqiiqad gudahood qarax ismiidaamin ah lagu laayay dad gaaraya 100-qof oo u badnaa dad shacab aan waxbo galabsan.

Qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kamid noqonaya musiibooyin aan shacabka magaalada Muqdisho quluubtooda ka bixi doonin, waxaana dad badan xasuusan doonaan xanuunka iyo mahadhada uu reebay qaraxan.

Masuuliyada qaraxan lagu dhamaaday ayaan wali jirin cid sheegatay , kooxda Al Shabaab oo horey u sheegatay qaraxyo badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan wali ka hadlin qaraxan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filisih oo ka hadlay qaraxa ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxo uu ku tilmaamay argagaxiso, waxa uuna sheegay in qaraxan lagu xasuuqay dad badan oo shacab ah oon waxbo galabsan.

Warbaahinta Al Shabaab ayaan sidoo kale qaraxan si weyn uga hadlin, mana jiro ilaa hada sargaal ama masuul katirsan Al Shabaab oo ka hadlay qaraxan dhacay, ma jirto sidoo kale cid kale oo wali sheegatay masuuliyada qaraxan.

Qaraxyo horey dad badan oo shacab ah ugu dhamaadeen ayaa sidoo kale jirin cid sheegatay masuuliyadeeda, waxaana kamid ah qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe ay ku dhinteen dad ka badan 500-qof kaa oo aysan jirin wali cid sheegatay in ay ka dambeesay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Ireland (Sawirro)

Cabdi Cade

Dekeda Muqdisho oo dib u howlgashay & ganacsatada G/Banaadir oo kala qeybsamay

Caydiid Ali

Dil naxdin leh oo ka dhacay Hargeysa & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---