Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada : Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho oo xaalkooda lala tacaalayo iyo Cumar Filish oo booqday

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday Isbitaalka Madiina halkaas oo la geeyay dhaawacdii ugu badnaa ee kusoo wax yeeloobay qaraxii ka dhacay isgooska Ex Contoral Afgooye.

Duqa Muqdisho ayaa booqday qeybta Deg dega ah ee dhaawacyada culus iyo qeybaha kale ee dhaawacyada lagu baxnaaninayay waxa uuna warbixina quseeya xaaladaha dhaawacyada ka dhageestay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka.

Agaasimaha guud ee Isbitaal Madiina Maxamed Yuusuf ayaa kormeerka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Isbitaalka la keenay dad badan oo dhintay iyo kuwa qaba dhaawacyo kala duwan..

Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir oo kaa shanaaya DFS uu dalka dibadiisa u qaadi doono dadka dhaawacyada culus qaba ee wadan wax looga qaban waayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Anthony Mbele Munyasya oo baxsad ah & Booliska Kenya oo baadi goobaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Bakhaaro hub ugu keedsanaa Ciidamada AMISOM oo gubtay iyo qaraxyo waa weyn oo…

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Madaxweyne Geelle oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Jeneraal Bashiir Ameeriko iyo Saraakiil kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---