Qarax aad u xoog badnaa una muuqdo in uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa sanadkan sii dhamaanaya ayaa saakay waabarigii hore ka dhacay Isgooska Ex-Coontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Waxaa qaraxan loo adeegsaday gaari weyn oo la sheegay in waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna qaraxa ka dhacay Isgooska Ex-Coontarool gaar ahaan bar ciidamada gaadiidka dadweynaha ku joojiyaan ugana qaadaan lacago canshuuro ah.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aheyd goob aad u mashquul badan ay ku sugnaayeen dadweyne badan sidoo kale ay xiligaasi taagnaayeen gaadiid kala duwan oo magaalada soo galayay iyo kuwa ka baxayay.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo tagay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in halkaasi ka dhacday musiibo, waxa uu tilmaamay in qaraxa loo adeegsaday gaari nuuca xamuulka qaada ah.
Cumar Finish ayaa sheegay in khasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu qaraxu ka dhashay, waxa uuna tilmaamay dadka ku dhintay qaraxa ay ku jiraan arday aad u badan oo qaarkood dhiganayay Jaamacada Banaadir iyo jaamacado iyo iskuulo kale.
Waxa uu sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxa ay dhaafayaan 90-qof halka dhimashada uu sheegay in aad u badan tahay ayna dib kasoo sheegi doonaan marka tiro koob rasmi ah lagu sameeyo.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa lagu arkayay meydadka dad ku dhaw 20-qof oo si saf siman ah loo dhigay halka uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale jiray dad kale oo qaraxa ku dhintay balse aan aan la aqoonsan karin maadaama si xun qaraxa u saameeyay jirkooda.
Waxii warar dheeraad ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com