Munaasabad lagu maamuusaayay guulo laga soo hooyay imtixaan ay u fariisteen ku dhawaad 400 oo dhakhtar oo wax ku soo bartay Guda Dalka iyo Dibadiisa oo ay ka soo qaybqaleen marti kala duwan ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka, Maamulka iyo Barayaasha Jaamacadda Jazeera, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Waalidiinta dhalay dhakhaatiirta guulaysatay iyo Isbitaalada Muqdisho oo ay Dhakhaatiirto tababarada ku qaataan
Dr. Luul Maxamuud Maxamed oo ah Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Jazeera ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaan Ardayda ka baxday Jaamacadda Jazeera, gaar ahaan Dhakhaatiirta ka soo hoysay guulaha isdaba joogga ah Isbitaalka Ordogan Ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho
Gudoomiyaha Jaamacadda Jazeera Prof. Salaad Ibraahiim Fiidow ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Dhakhaatiirta Jaamacadda ee ku guulaystay Imtixaankii ay qaadeen Maamulka Ordogan Hospital Ex Digfeer, isagoona intaa ku daray in Ardayda Jaamacadda Jazeera ee ku guulaystay Isbitaalka Digfeer ay ahaayeen kuwii horay uga gali jiray Jaamacadda Jazeera kaalmaha hore intii ay waxbarashada ku jireen, wuxuu sidoo kale Guddoomiyuhu ka codsaday Wasaaradda Hiddaga iyo Tacliinta Sare ee Dalka iney u fududeeyaan guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed sidii ay ugu gali lahaayeen Imtixaanada Caalamiga ah sida ( IELTS, MRCS, MRCOG, FRCS…) Gudaha Dalkooda, iyadoona culays uu ka haysto Ardayda
Agaasimaha Tacliinta Sare ee Dalka Ustaad Ismaaciil Cusmaan Yuusuf ayaa ku amaanay Maamulka Jaamacadda Jazeera guulaha Ardayda Jaamacadda ka baxday ey ka soo hooyeen guud ahaan meelihii ay tageen, gaar ahaana Imtixaankii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Maamulka Digfeer, isagoona ballan qaaday iney fududeyn doonaan raadinta codsiga Ardayda Soomaaliyeed
Sida la ogyahay Imtixaanka ay qaadeen Maamulka Isbitaalka Ordogan Ex Digfeer ayaa waxaa u fariistay tiradii ugu badnayd ee dhakhaatiir ah, iyadoona ay xusid mudan in tirada Dhakhaatiirta loo baahnaa ay ahayd 15, waxaana 8 ka mid ah ay noqdeen Ardaydii waxbrashadooda ku soo dhamaystay Jaamacadda Jazeera, tiradaas oo u dhiganta in ka badan Lixdan Boqolkiiba (60%)
Ugu dambayn Maamulka Sare ee Jaamacadda Jazeera ayaa hadiyad qiimo badan guddoonsiiyay Dr. Luul Maxamuud Maxamed oo ah Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Jazeera oo u soo dhabar adaygtay ka shaqaynta guulaha ay gaareen dhakhaatiirta wax ka baratay Jaamacadda Jazeera .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com