Allbanaadir.com
NEWS

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka Walaacsan qodobka 53-aad ee Sharciga Doorashooyinka (Sawirro)

Xubnaha sare ee Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayey uga doodeen sharciga Doorashooyinka Qaranka ee horyaala Baarlamaanka federaalka Soomaaliya .

Shirka Madasha uu gudoominayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Xubnaha Madasha walaac uga muujiyeen qodobka 53-aad ee Sharciga Doorashooyinka .

Qodobkan ayaa tilmaamaya hadii dalka ka dhacaan musiibooyin sida xaalado halis ah, aafooyin, abaaro, in dib loo dhigi karo doorashada , waxa ayna madasha qodobkaan sheegeen in dano siyaasadeed laga leeyahay ayna qatar tahay hadii la meel mariyo.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha sare ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in dowlada mudo korosi qorsheeneyso, waxa uuna sheegay in aragtida Xildhibaanada ee qodobka 53-aad ee Dastuurka aan la tixgalin.

”Shirka aan yeelanaya  waxaa  si qoto dheer loogu falanqeeyey si gaar ah qodobka 53-aad ee tilmaamaya muddo kororsi aan xad laheyn, ayadoo doodii xildhibaanada ee sharcigu marka ay socotay waxa ay ka yiraahdeen qodobkaas aan waxba laga tixgelin, arrintaasina ay keenayso in dalka loo horseedayo qalalaase siyaasadeed oo khatar gelin kara nidaamka dawladnimada dalka ee xukunka loogu kala wareegi jirey xilliyadii la soo dhaafay si nabad ah.” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa uga digtay Baarlamanaka federaalka Soomaaliya in ay horseed u noqdaan in dalku qalalaase siyaasadeed ka dhaco, waxa ayna ugu baaqeen in ay kahor tagaan mudo kororsiga la qorsheenayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed oo maanta ka qeyb galaya Shir uu ku matalayo Madeaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Shaqsiga Masuulka ka ah kala Jabka Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Saraakiil ka soo goosatay Al-Shabaab oo Muqdisho laga soo dejiyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---