Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar Sabab layaab leh u liqday Tubo balaastik ah iyo sabab layaab leh oo keentay !

Xiao Lu, oo ah 21 jir ku nool Guangzhou, ayaa bilowgii bishan waxay u aaday isbitaalka si ay dhaqaatiirta ugu sheegto inay liqday tubada jilicsan ee cabitaannada lagu dhuuqo.

Tubada ayaa u dhaadhacday gudaha hoose ee caloosha, sidaas darteed dhaqaatiirta ayaa amray in laga qaado raajo si loo arko. Dhererka tubada ayaa dhan 30cm, halka balaceedu gaarayo 1.9cm.

Markii laga soo saaray kaddib, dhaqaatiirta ayaa su’aalo ula dhaqaaqay haweeneydan. In kasta oo markii hore ay ka meermeertay xaqiiqada, ugu danbeyntii waxay qiratay in tubada ay u liqday si ay isaga dhinto culaabta ‘miisaanka’ jirkeeda. Si wax kasta oo jirkeeda aysan ugu nasan, haweeneydan ayaa tilmaantay inay tubada u diri jirtay caloosha si ay isaga soo hunqaacdo.

Tallaabadan ayaa ula muuqday mid sidii ay rabtay ugu shaqeynaysa, ilaa laga yimaado toddobaadkii hore oo tubadu aysan sidii hore uga soo bixin hunguriga.

Zhang Hanyu, oo ah xigeenka madaxa isbitaalka Beijing’s Friendship Hospital,  ayaa sheegay in – adeegsiga tubada – si la isaga matajiyo waxa caloosha ku jira aysan aheyn arrin ugub ku ah bulshada Shiinaha. Si lamid ah Lu, qaar badan ayaa u adeegsada falkan si ay isaga dhimaan culeyska jirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askarigii dilay Xildhibaanad Juweyriya Subcis oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Qurbajoog ahaa oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arrimo badan oo Muhiim ah kala hadlay Axmed Al-qeyd

Cabdi Cade
Taboola Ads ---