Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Imaaraadka oo War cusub ka soo saartay xiisada kala dhexeysa Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda dowlada Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeysa Soomaaliya.

Qarqaash ayaa shaaciyey in heshiiskii Dekeda Berbera uu ku yimid is faham dhexmaray dowladdii hore ee Soomaaliya iyo dowladiisa.

Waxa uu sheegay inay aqoonsan yihiin Midnimada Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aanay wax xiriir ah la laheyn Somaliland, isla markaana Qunsuliyad iyo Safaarad midna ku laheyn.

“Heshiiska Dekeda Berbera waxaan horey is faham cad uga wada gaarnay dowladiii hore ee Soomaaliya, waxay hoos imaanayeen taageerada Soomaaliya oo mid ah, innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin, iskaba daayee waxaa kaalin fududeyn ka qaadanay inaan kulamo u qabano madaxda Soomaalida, waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dubai, haddii aan aqoonsanahay siyaasadda Soomaali mid ah, nagama reebeyso inaan ka shaqeyno dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada inaan Somaliland ka sameyno” ayuu yiri Anwar Qarqash.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday wada hadalada lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowlada Somalia isagoo sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay wada hadal furan oo daah saarneyn.

“Qof ku kalameynayay 20 illaa 25 sano haddii ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa, ma ahan inaad qabsato dayaarad ay saaran yihiin 47 askari Imaaraad ah oo ciidamada tababaraya iyo ku dhowaad 10 milyan dollar oo ah ciidan wixii ku baxayay, haddii aad go’aankaas qaadato oo aad tiraahdo waxaa ku xalineynaa qol xiran, taasoo waa qalad”ayuu yiri Anwar Qarqash.

Xukuumada Soomaaliya ayaa maalmo ka hor shaacisay inuu socdo wada hadal lagu xalinayo xiisada diblomaasiyadeed ee labada dal soo kala dhex gashay iyo dhacdadii dowladu kula wareegtay lacagtii Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo ku gacan seyrtay dalab ka yimid ehelada Marxuum Cali Khaliif Galeyr

Caydiid Ali

Cumar Filish: “Ma aqbalayno in doorasho dadban ay dalka ka dhacdo”

Caydiid Ali

(Akhrio) Cali Guudlaawe oo wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada Caafimaadka Hirshabelle

Caydiid Ali