Allbanaadir.com
NEWS

Ayax aad u badan oo ku degay Beeraha Tayegloow iyo dagaal ka dhan ah oo bilowday (Sawirro)

Waxaa sii kordhaya dhibaatada ayaxa guuraya uu ka geesanayo qaar kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana ayaxan isaga oo aad u badan marba tagaya qaar kamid ah gobolada Soomaaliya gaar ahaan dhulka beeraha iyo keemaha.

Ayaxa ayaa hada kusii faafaya gobolo iyo degmooyin hor leh, waxa uuna dhibaato xoogan ku hayaa dhulka beeraleyda iyadoona dadka beeraleyda bilaabeen dagaal ka dhan ah ayaxa kusoo duulay beerahooda.

Degmada Tayeglow ee gobolka Bakool ayaa kamid ah goobihii ugu dambeeyay uu ayaxan gaaray, waxa uuna durba ayaxa bilaabay in uu ku dul habsado dhulka beeraha iyo sidoo kale keymaha.

Beeraleyda degmada Tayeglow ayaa bilaabay in dagaalka ayaxa u adeegsadaan rasaas xoogan , waxa ay sidoo kale bilaabeen in ay shidaan tubaakada oo la sheegay in qaaciisa uu ayaxu aad u neceb yahay.

Ayaxa aadka u badan ee ku baahaya gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan dhulka beeraha ayaa la sheegay in uu yahay dhibaato soo korortay, lamana shaacin wali tirada khasaaraha uu dhulka beeraha u horseeday ayaxan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Boorow oo gacanta bidix ku waayey qaraxii xalay & RW khayre oo booqday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Adeeg bilaash ah oo shacabka loo fidiyey Sanadguurada 2aad ee Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo si Layaab leh uga hadashay Diyaaradii loo diiday in ay ku degto Garbahaarey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---