Allbanaadir.com
NEWS

Munaasabad heer sare ah oo loo qabtay arday ka qalan jabisay Jaamacada Jamhuuriya (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo loogu maamuusayay qalin jabinta 267 arday oo dhamaysatay waxbarashada heerka koowaad ee tacliinta sare ee Jaamacadda Jamhuuriya .

Munaasabadan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dowladda gaar ahaan Wasaaradda waxbarashada ,hiddaha iyo tacliinta sare, bahda waxbarashada, waalidiinta ardayda , masuuliyiinta Jaamacadda Jamhuuriya iyo marti sharaf kala duwan.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada ,hiddaha iyo tacliinta sare  oo munaasabadda ka ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda maanta ka qalin jabisay, waxa uuna ardayda ku booriyay in ay sii wataan waxbarashada ilaa heerar kale la gaaraan

Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Mohamed Axmed Mahamuud oo isna hadal ka jeediyay munaasabada ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda sanadkan ka qalin jabisay Kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Jamhuuriya.

Waxa uu sheegay Gudoomniyaha Jaamacadda in ardayda maanta qalin jabisay kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda ay usoo dhabar adeegeen waxbarashada , waxa uuna ku booriyay in halkeeda kasii wadaan waxbarashada uguna adeegaan dadkooda.

Qaar kamid ah arday maanta xafladooda qalin jabinta loo dabaal dagayey ayaa dhankooda muujiyey dareenkooda farxadeed ee ku aadan in ay shahaadada heerka koowaad ee digriiga ka qaataan Jaamacadda Jamhuuriya iyaga oo u mahadceliyey waalidiintooda iyo macalimiintoodii u soo dhabar adeygay mudadii ay waxbarashada soo wadeen.

Jaamacadda Jamhuuriya oo kamid ah Jaamacadaha ugu tayada badan ee kuyaala dalka ayaa waxaa ka qalin jabisay dufcadii afaraad , waxaana Jaamacadan dadaal badan ku bixisaa soo saarista aqoonyahano bulshada Soomaaliyeed wax tar badan u leh.

 

Related posts

Xasan Mustaf Dhaayow oo kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab uu katirsanaa

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo si dadban uga hor yimid Rabitaanka Madaxweyne Farmaajo !1

Cabdi Cade

Eedo argagixiso oo loo haysto Shirkadaha iska leh Google, Twitter iyo Facebook

Cabdi Cade
Taboola Ads ---