Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ay la socdeen Wafdi iyo qaar kamid ah Ilaalada Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka degtay …

Waxaa maanta Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaaray wafdi horu dhac u ah safar la filayo in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku gaaro magaaladaasi.

Diyaarad ay la socdeen xubno katirsan shaqaalaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah ciidamada ilaamada gaarka u ah Kheyre ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb .

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaana si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada laga dareemayaa safarka shaqo uu ku imaanayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo horey magaaladaai maalmo badan u joogay dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Safarka Ra’iul Wasaare Kheyre ku tagayo magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadaya xili uu jiro khilaaf ka dhashay Xildhibaano gaaraya 20-oo kooxda Ahlu Sunna soo xushay, waxaana Xildhibaanadan kasoo horjeeda beelaha qaar.

Guddiga Farsamada iyo maamul u dhisida Galmudug ayaa sidoo kale la sheegay kasoo horjeedaan sida Ahlu Sunna usoo xushay 20-ka Xildhibaan ee laga siiyay Baarlamaanka Galmudug, waxa ayna Guddiga sheegeen in Ahlu Sunna ku xad gudubtay saami qeybisiga.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu xaliyo khilaafadaka yar yar ee taagan inta uu joogo magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha dar dar galin doonaa dhismaha maamulka Galmudug oo marar badan dib u dhac ku yimid.

 

Related posts

Daawo :-Dhaqanka & Siyaasiyiinta Galmudug oo marti qaaday Musharax General Tuuryare

admin

Xaafado katirsan Muqdisho oo lagu soo rogay lacago amnigooda lagu sugayo

Cabdi Cade

Dib u dhac ku yimid caleemo saarka Madaxda Galmudug & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---