Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ayax guuraya oo ku habsaday degaano cusub iyo Jubbaland oo digniin soo saartay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada ee Maanta oo Khamiis ah.

Ugu horayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidamada amaanka iyo Xaalada Ciidamada ku sugan furimaha isagoo xusay in ay hayaan shaqo adag oo ay dadka shacabka ah kaga badbaadinayaan Argagixisada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen khasaare adag lagu gaarsiiyay Argagixisada iyadoo meelaha qaara Ciidamadu ay kala wareegeen.

Wasaarada Beeraha ayaa ka warbixisay qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland oo uu soo gaadhay Ayaxa ku habsaday qaybo badan oo kamid ah dalka waxaana Wasaaradu ay sheegtay in 20km uu ku habsaday iyadoo meelaha Jubbaland kamid ka ah ee ilaa hada lagu arkay ay tahay Degmada Beledxaawo iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in dadaal loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa.

Dhinaca kale, Ayaxa oo horey u soo maray degaano ka tirsan gobolada Galgaduud, Mudug iyo meelo kale ayaa haatan ku soo wajahan gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe, waxayna wararku sheegayaan inuuba soo gaaray degaano ku yaalla galbeedka magaalada Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaanka Ahlu Sunna oo Dalab Xasaasi ah u gudbisay Madaxweyne Qoor Qoor

Cabdi Cade

Darawal Bajaaj oo laga soo badbaadiyey Gabar 5 jir ah & afhayeenka Wasaarada amniga oo ka hadlay

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo Cabsi lasoo daristay Soomaalida kunool dalkaasi

admin
Taboola Ads ---