Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Filish oo kormeeray dhisme ka socda xarun burbursaneyd 30 sano (Sawirro)

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer ku sameeyay xarunta xarunta gaadiidka iyo dhulbixinta ee Dowlada Hoose Xamar oo uu ka socdo dib udhis balaaran kadib markii uu dhawaan xaruntaasi dhagax dhigay duqa magaalada Muqdisho.

Xaruntani ayaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay burbur saneyd taas oo sabab u aheyd rabshadihii dalka ka dhacay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa kula dardaarmay howl wadeenada ka shaqeynaayo dhismaha xaruntani in la dardargaliyo si loogu qabto adeegyadii ay xaruntani u xilsaarneyd.

Agaasimaha howlaha guud ee Dowlada hoose Xamar Cabdullaahi Axmed Muuse (Caraaye) ayaa ka warbixiyay mashruuca lagu dhisaayo xarunta.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabada Seynab Maxamud Warsame (Xaabsey) ayaa ka hadashay muhiimada ay xaruntani lee dahay.

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ugu baaqay bulshada Caasimada in ay xoojiyaan horumarinta magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni, Isimada Gobolka Bari iyo Saraakiisha ciidamada oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta sameeyay Daah-fur, xarag-jar iyo Dhagax-dhig (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo qodobada looga hadlayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---