Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Somaliland & Mucaaradka oo wadajir u soo saaray go’aan cusub (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada kula qaatay gudoomiyeyaasha Madaxda xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulankan ayaa daba socda kulan kale oo maalmo ka hor dhexmaray sadexda masuul.

Markii kulankaasi laga soo baxay wax saxaafada la hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxayna sheegeen in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey lana dhamaystiro si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadweyne billaabay inay lacagahooda kala baxaan shirkadaha Forex ee Muqdisho

admin

Wararkii u dambeeyey wadahadalka Qaahira uga socda Xamaas iyo Israel

Caydiid Ali

Cabasho Xoogan oo kasoo yeertay Dhalinyaradii Gobalka Banaadir shaqo abuurka u sameeyay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---