Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo caawa lagu weeraray Dhuusamareeb

Kooxo hubeysan ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxay ku weerareen caawa Agaasime Maxamed Axmed Cantoobo iyo Dr. Cumar Aadan Rooble oo ka mid ah Masuuliyiinta dowladda Somalia ee ka shaqeynaya dhismaha Maamulka Galmudug.

Maxamed Axmed Cantoobo oo ah Agaasimaha Arimaha Bulshada iyo Wacyiga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkan ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb

Masuuliyiintan ayaa rasaas gaadmo ah lagu furay xilli ay sii galayeen Hoyga ay Magaaladda Dhuusamareeb ka degan yihiin sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Ilaaladda la socotay Agaasime Maxamed Axmed Cantoobo iyo Dr. Cumar Aadan iyo Kooxda weerarka soo qaaday ayaa waxaa dhexmartay israaseyn muddo kooban socotay.

Saraakiisha Ciidamadda Amniga ayaa sheegay in ay ku daba jiraan cidda ka danbeysay falkan, lamana soo sheegin illaa hadda wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta la isweydaarsaday.

Agaasime Cantoobo ayaa weerarka ka dib boggisa facebook ku soo qoray ereyo kooban oo ay ka mid ahaayeen “Rabbigi na badbaadiyay ayaa mahad leh”.

Weerarkan oo aan la ogeyn cida ka dambneysay ayaa ku soo aadaya xili maanta ciidamada dowlada ay xoog ku joojiyeen xaflad ay magaalada Dhuusamareeb ku qabsan lahaayeen xubno ka tirsan Maamulka Ahlu sunna inkastoo aan la ogeyn in  labada dhacdo ay isla xiriiraan iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay Sababta xayiraada loo saaray diyaaradaha taga Kismaayo

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo lagu riday askar qof shacab ah u dilay muran dartiis

Cabdi Cade

Xisbiyada Mucaaradka oo goordhaw ku dhawaaqaya Isbahaysi cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---