Beri oo Khamiis ah waddamo badan oo carab ah iyo qeybo ka mid ah waqooyiga qaaradda Africa iyo Aasiya waxaa la tilmaamayaa in Qorax madoobaad daran laga arki dooni sida ay sheegayaan khubarada cilmiga xiddigaha.
Qorax madoobaadkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu weynaa muddo 170 sano ah ayaa socon muddo 3 daqiiqo iyo 43 Second oo laweyn doono Qoraxda waqti ku beegan xilliga cadceedda u soo bixi jirtay waddamo Sacuudiga iyo Imaaratka ay ku jiraan.
Sacuudiga waxaa dib loo dhigay waqtiga imtixaanaadka dugsiyada iyadoo laga cabsi qabo in caruurta saameeyn uu ku yeesho Qorax madoobadkan.
Waxaa si toos ah looga arki doonaa waddadama Qadar, Sacuudiga, immaaraatka, Camaan, Sri-lanka, Hindiya, Singapore, Malaysia iyo dalal kale ayaa suurta gal ay tahay in laga arko.
Dayaxa ayaa isku aadin doona qoraxda, iyadoo ka soo muuqan doonta dalool aad u yar sida Culimada Cilmu Falagu ay sheegeen.
Waxaa lagu magacaabaa Qorox madoobaadkan “Goobadii Dabka” waxaana la sheegay in dalalka bariga afrika oo ay ku jirto Somalia aan laga arki doonin qorax madoobaadkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com