Allbanaadir.com
NEWS

Shuruudo adag oo lagu xiray Wadahadalo mar kale u furma Soomaaliya iyo Somaliland

Guddiyada Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland u qaabilsan wadahadalka labada dhinac ayaa midkastaahi sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadalka oo dib u bilowda, hasa ahaatee waxaa jira shuruudo ku xiran wadahadaladaasi.

Somaliland Guddiga u qaabilsan wadahadallada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadalo ay la furaan dowlada federaalka, waxa ayna shuruud ka dhigeen in marka hore meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen.

Drs Adna Aadan Ismaaciil oo madax ka ah guddiga wadahadalada Somaliland ayaa sheegtay in ay soo dhaweenayaan wadahadalada oo dib loo furo, waxa ayna sheegtay in ay doonayaan in halkii ay marayeen markii hore laga sii wado wadahadalada.

“In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo xamar” ayey tiri Adna Adan.

Waxa ay sheegtay Drs Adna hadii heshiisyadii horey loo gaaray ay noqdaan kuwa waxbo kama jiraan ah ay arintu noqoneyso gacmo daalis, waxa ayna tilmaantay in loo baahan yahay in la ixtiraamo heshiisyadii hore si kuwa cusub loo gaaro.

“Waxaa isweydiin leh wadahadalladan imika la rabaa, ma kuwii horaa la ansixinayaa oo waa la sii wadayaa? Haddiise heshiisyadii hore ay noqdaan waxba kama jiraan waa gacma daalis. Waxaa la doonayaa madaxweyne qowl leh, oo wakaalad ka sita ummaddiisa, oo shicibka Soomaaliyeed soo doorteen, oo wixii madaxweyneyaashii hore ku heshiiyeen fulinaya, oo ixtiraamaya, awooddii uu ku fulin lahaana leh”, ayey tiri Adna.

Wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ayaa joogsaday markii talada dalka uu la wareegay Madaxweyne Farmaajo, waxaana dib u bilaabashada wadahadalo mar kale dhaca hada maamulka Somaliland ku xireen shuruudo qaarkood adag yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka iyo Teendhada Afisiyooni oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Doorashada Turkiga iyo Guusha Erdogan

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Saameynta Muqdisho ku yeeshay Roob xoogan oo xalay ilaa maanta ka da’aya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---